Xoghayaha Cusub ee Dowlada Hoose Baydhabo Oo Xilkiisa Lawareegay.

0
316

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Munaasabad Xilwareejin ah ayaa Maanta Ka Dhacday Xaruunta Degmada Baydhabo Taasi oo ay Xilalka ku kala Wareegeen Xoghahii Hoose ee Degmada Hoose Baydhabo Mukhtaar Sharma Arke -Garas iyo Xoghayaha Cusub ee Dowlada Hoose Abdishakuur Sh Adam waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowlaha hoose iyo Dib-u-shiisinta Koonfur Galbeed  iyo Wasiirka Ganacsiga KS iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Arimaha Amniga iyo siyaasada degmada Baydhabo iyo Saraakisha Dowlada hoose ee Degmada Baydhabo .

Xil Wareejinta Kadib Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Abuukar Ayaa Waxaa Uu Kahadlay Waana U Mahadceliyay Xoghahii Hoose ee Degmada Hoose Baydhabo Mukhtaar Sharma Arke –Garas Iyo Howlihii Uu Usoo Qabtay Dowlada Iyo Shacabka Degmada Baydhabo Waxaana Uu Kula Dardaaramay In Uu Lashaqeeyo Xoghayaha Cusub.

Dhinaca Kale Wasiirka Ayaa Xoghaya Cusub Ku Amaanay In Uu Yahay qof Adag Oona Kasoo Bixi Karo Shaqada Loo Igmaday.

Radio Arlaadi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here