Rashford oo noqday ciyaaryahanka labaad ee ugu da’da yar gaaray 40 gool ee Kooxda Man United ah.

0
406

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Marcos Rashford ayaa noqday ciyaaryahanka labaad ee ugu da’da yar oo 40 gool u dhaliyay kooxda Manchester United, waxaana uu ka dambeeyaa Wayne Rooney.

Kaddib markii uu goolka furitaanka u dhaliyey Kooxdiisa Man United kulankii dhowaa oo ay guusha ka gaareen Norwich, Rashford ayaa noqday ciyaaryahanka labaad ee ugu da’da yar ee gaara 40 gool oo Red Devils ah.

Waxa uu Rashford ka dambeeyaa halyeyga reer England iyo kabtankii hore ee Kooxda Manchester United Wayne Rooney, laakiin waxa uu ka sarreeyaa oo uu maalmo kooban ku dhaafay Cristiano Ronaldo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha ugu da’da yar ee Man United & da’da ay ku gaareen 40 gool:-

Rooney – 21 sanadood, 175 Maalmood

Rashford – 22 sanadood, 72 Maalmood

Ronaldo – 22 sanadood, 279 Maalmood

Giggs – 24 sanadood, 16 Maalmood

Radio Arlaadi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here