Wafdi Kasocda Hay’ada Caafimaadka Aduunka oo Baydhabo Soo Gaarey.

0
316

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhowa Kusoo dhaweeyey Madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka KGS kadib Waxay Booqasho Kutageen Xaruunta Caafimaadka DMO Halkaasi oo adeegyo Caafimaad Looga Fulinayey Bulshada.

Waxay Ukuurgaleen sida ay u socdaan Adeegyada Caafimaad qeybahooda Kaladuwan ee lagu fuliyo Xaruunta DMO Waxay sidoo Kale Ay Booqasho Kutageen isbitaalka Dhexe ee Gobolka Baay Waxay Kormeereen qeybaha uu isbitaalku kakooban Yahay waxayna Dhaqaatiirta Halkaasi Kahawgasha ay kadheysteen warbixin Kusaabsan Adeegyada isbitaalju fuliyo iyo Baahiyaha Kajira isbitaalka Dhexe ee Gobolka Baay.

Wafdigan Kasocdey Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO Ayaa Safarkooda Baydhowa Kusoo Gabagabeeyey Kulan Ay Laqaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS AbdiAziiz Laftagreen Waxaana ay Kala Hadleen Tayeynta iyo Hor Uqaadida adeegyada Caafimaad ee Gobolka Waxaana Markii Kulamada iyo Hawlaha Ay Soo Dhamaadeen Saxaafada Faafaahin Kooban Siiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka KGS Dr Husein Mohamed Dahir isagoo sheegey inay kawada hadleen sidii barnaamijyo kor loogu qaadayo adeegyada caafimaad ee wasaaradda loo bilaabi lahaa ayagoo kaashanaya hay’ada WHO.

Radio Arlaadi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here