Xaalad cusub oo ka soo baxeysa heshiiska uu Christian Eriksen ugu biiriyo kooxda Inter Milan

0
243

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Christian Eriksen ayaa muujiyay sida uu diyaar ugu yahay inuu aqbalo shuruudaha shaqsiyeed ee heshiiska ay u soo bandhigtay kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.

Macalinka kooxda kubadda Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday shalay, wuxuu isaga indho tiray inuu kaga hadlo mustaqbalka Eriksen, kaasoo dhacaya qandaraaskiisa Spurs bisha June ee soo aadan.

Sida laga soo xigtay shabakada “Sky Sport” laacibka reer Denmark ee Christian Eriksen ayaa wuxuu muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in la dhameeyo wada hadalada heshiiska uu ugu biirayo kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.

Dhinaca kale wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan inay jirto hal talaamo oo kaliya ee ka harsan in la dhameystiro heshiiska uu Christian Eriksen ugu biirayo Inter Milan, taasoo ah in labada kooxood ay isku afgartaan qoomo dhan 16 milyan euro, marka lagu daro dhiirragelinno la xiriira wax qabadka uu ka sameeyo laacibka naadiga Nerazzurri.

Yeelkeede, wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ayaa soo wariyay dhankiisa subaxnimadan in maamulaha guud ee kooxda Inter Giuseppe Marotta uu isku dayayo in lacagaha uu ku soo yareeyo qiimo dhan 10 milyan euro marka lagu daro dhiirogalinta loo baahan yahay.

Si kastaba ha noqotee, wargeyskan caanka ah ayaa wuxuu intaas ku sii daray inuu doorbidayo inuu u dhaqaaqo kooxda uu macalinka ka yahay macalin  Antonio Conte, halkii uu ku biiri lahaa kooxda Paris Saint-Germain, taasoo muujineysa sida ay u xiiseynayaan inay la soo wareegaan xiddiga reer Denmark.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here