Aqalka Sare Oo Maanta Ansixiyey Sharciga Saxaafada.

0
404

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka wax-ka beddelka Sharciga Saxaafadda Qaranka, kaasi oo uga soo gudbay golaha shacabka JFS.

Ajendaha Kulanka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogaalada 23 Senatar, Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Radio Arlaadi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here