SAWIRO:Guddiga gaarka Arrimaha sharciga Doorashooyinka Baarlamanka Soomaaliya oo Kullan la qaatey Madaxweynaha kg iyo Gudoonka Baarlamanka kgs.

0
374

Guddiga gaarka Arrimaha Sharciga Doorashooyinka Baarlamanka Soomaaliya ayaa Xaley Kullan la qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ,Iyo Xildhibanada Baarlamanka Koonfur Galbeed ,
Guddiga ayaa Madaxweynaha ugu warbixiyay Ujeedda ay soo gareen Baydhabo,Waxna Guddomiyaha Guddigaasi Madaxweynaha Usheegay In Ay kullamo ay la qadan Doonan Bulshada Reer Koonfur galbeed iyo Madaxdooda Si ay Fikirkooda uga dhiiban Lahayeen Doorashada Dalka ,Guddiga ayaa intaasi ka dib Kullan Dood iyo Fikrado la isku dhaafsanaayay La yeeshay Gollaha wakiilada KGS.
Kullanka ayaa waxa goob Joog ahaa Guddomiyaha Baraalmanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,iyo Labadiisa Kuxigeen.
Guddiga Gaarka Arrimaha Sharciga Doorashooyinka Baarlamanka Soomaaliya ayaa Ugu Horeen Xildhibanada Usharaxay , Qaabka Ugu Haboon Ee Doorashada Dalka 2021-ka ay ugu dhici laheed,
Sharaxada Guddiga ka dib Waxaa Xildhibadana ay Aad uga doodeen Qaabka Doorashada Dalka Ay u dhici laheed ,Iyagoona Su’aalo La Xiriira Arrimaha Doorashooyinka Weydiiyay Gudiiga Sida Xisbiyada Ka dhisan Dalka,Doorashada Xildhibanada Baraalamanka Soomaaliya Qaabka Loo soo dooran Doono.
Gudoomiyaha Baraalmanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qadir Shariif Sheekhuna Maye oo madashada ka hadley ayaa Ugu horeen Gudiiga Umahadceliyay Isagoona Ku Amaaney Howshan wanaagsan Ay wadaan In ay sii laba Jibaaraan .

Abdullahi Abuukar Xaaji Gudoomiyaha Guddiga Gaarka Arrimaha Sharciga Doorashooyinka Baarlamanka soomaaliya Ayaa Gebagebadii Kullanka soo Xirey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here