Dhegeyso:-Warbixin ku saabsan sida dhalinyarada xirfadliyaasha ah ugu shaqeeyan Alwaaxa.

0
387

Abdirisaaq xasan abdi waa horjooge shaqo koox dhan ay iskala shaqeeyaan habeynta iyo jarjarida Alwaaxa oo loo adeegsado dhismiyaasha. Shaqadan ayaa ah mid xirfedleyaasha yaqaana adeegsada waxaana loo sameeyaa qeybo kala duwan iyagoona maalintii sameeya ku dhawaad 30 xabo alwaax ah.

Abdirisaaq oo aan goobtiisa shaqo ku wareysanay ayaa sharaxay waxyaabaha ay qabtaan isaga iyo inta kale ee halkaasi kala shaqeysa.

In kastoo ay shaqa weliba caqabad leedahay mana ahan mid niyad jabisay Abdirisaaq shaqada uu heyo oo wax badan ka soo wajaheen.

Marxaladaha shaqa la,aanta oo dhalinyaro badan heystaan gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed wuxuu kula taliyey in ay aaminaan dalkooda kana gudbaan caqabadaha jira iyagoo isku deyeya in ay shaqa abuur sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here