SAWIRO:Madaxweynaha KG oo Xafiiskisa Ku Qaabilay Wafdi kasocday Hay:adda DRC

0
293

Wafdigan Kasocday Hay:adda DRC iyo DDG oo ay hogaaminaysay MSS HEATHER oo ah Madaxa 9 Wadan oo Afirca ah uqaabilsan Hay.adda oo Somaliya kamid tahay ayaa Manta soo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.Ujeedka Wafdigan baydhabo uso gaaray ayaa ahayd Sidii ay uxoojin lahayeen Shaqada ay ka wadaan Koonfur Galbeed Somaliya.

Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ee Baydhabo Waxaa Wafdiga kulan kula Qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ay wehliyaan Wasiirka Qorshaynta Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Kg Maxamuud Maxamed Kheyr.

kulanka inta uu Socday Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa Umahadceliyey Masuuliyiinta Hay:adda DRC Shaqada Wanaagsan ee ay ka qabteen Gobolada Baay Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Waxaana uu Madaxweynaha Dowlad Goboledka Goboleedka Koonfur Galbeed Uu ku Dhiiro geliyey inay Sii laba jibaaran Shaqada ay ka wadaan Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya.

Madaxda ka socotay Hay:adda DRC ayaa Dhankooda Sheegey inay Wadaan Qorshe ay ku Doonayaan Inay kaga Shaqeyan Koonfur Galbeed Taasi oona Muhiimada Kowaad ay Siinayaan Sidii Dadka Barakacayaasha ah ay wax uga Qaban lahayeen Xaaladaha Haatan ay ku noolyihiin waxayna Tilmaameen in Haatan Hay:adda DRC Mashaariic kala Duwan ay ka wado Deeganada Koonfur Galbeed Somaliya.

Kulanka oo Ahaa Mid inta uu Socday Looga Hadlayey Sidii Shaqada Hay:adda DRC ay ka wado Koonfur Galbeed ay ukordhin lahayd ayaa markii Soo Cidlaaday Waxaa TVga Koonfur Galbeed uga Warbixiyey Waxyaabihii kulanka looga hadlay Axmed Madoowe Nuunow Maxamed Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Malgashiga Hormarinta Dhaqaalaha Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here