Rodrygo Goes oo abaal-marin ku garaacay laacib ka tirsan Kooxda Barcelona

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddigga kooxda Real Madrid ee Rodrygo Goes ayaa loo magacaabay ku guuleystaha abaal-marinta Goal.com ay bixiso ee NxGn 2020, waana qoraayaasha hillinka.

Abaal-marintan waxaa la guddoonsiiyaa xiddigaha mustaqbalka ku leh kubadda cagta, iyadoo lagu jaangooyo da’dooda, waxaana shardi ah in u tartamayaasha ay dhasheen 1-da bishii Janaayo ee 2001 ama wixii ka dambeeyay.

NxGn waxaa hore ugu guuleystay ciyaartoyda kala ah; Jadon Sancho, Justin Kluivert iyo Gianluigi Donnarumma.

Rodrygo ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigga Barcelona ee Ansu Fati oo soo galay booska labaad, halka laacibka isna ka tirsan Real Madrid ee Reinier Jesus uu galay booska afraad, Takefuso Kubo oo isna ka tirsan Los Blancos balse amaah ugu ciyaaraya Mallorca ayaa tartanka qayb ka ahaa, waxaana uu ku dhammeystay booska sagaalaad.

“Waxay ila tahay in abaal-marintan ay i dhiirro gelineyso, kalsooni badanna ay i siineyso.” ayuu Rodrygo u sheegay Goal.com.

Sidoo kale laacibka reer Brazil ayaa tilmaamay inuu rajeynayo qaab ciyaareedka wacan ee uu hadda sameynayo inuu joogteeyo.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here