Boqortooyada Sacuudiga oo war ka soo saartay Xajka sanadkan

0
257

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka codsatay dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sanadkan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Corona awgii ay tahay in Musliminta ay dib u dhigtaan qorshooyiinkooda Xajka.

Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada, Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten, ayaa sheegay in Sacuudiga ay mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan islamarkana ay u adeegaan Xujeyda, balse iminka mudnaanta la siinayo badqabka qof walba.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa horey u joojisay in lagu dhawaafo Xajarul Aswadka, iyada oo laga cabsi qabo faafidda caabuqa Corona.

Xajka ayaa ka mid ah 5-ta tiir ee Islaamka islamarkana laga rabo qof walba oo Muslim ah oo dhaqaala ahaan awooda in uu hal mar soo Xajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here