Shax laga sameeyey 11-ka Goolhaye ee ugu wanaagsan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub

0
312

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa la shaaciyey SHAX cajiib ah oo laga sameeyey 11-ka goolhaye ee ugu wanaagsan haatan shanta horyaalka ee ugu waa weyn qaaradda Yurub.

Oblak ayaa shaxdan goolka ugu bilowday oo goolhaye looga dhigay, waxaana khadka dhexe iska kaashanaya Neuer & Ter Stegen.

Waxaa xusid mudan in daafaca dhexe ee shaxdan cajiibka ah inuu ka soo muuqday shabaq-ilaaliyaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker, isagoo ka garab ciyaaraya goolhayaha kooxda Leicester City ee Kasper Schmeichel.

Shaxdan oo ah 11-ka goolhaye ee ugu fiican shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ayaa waxaa weerarka hoggaaminaya labada goolhaye ee kooxaha Manchester ee David de Gea (Man United) iyo Ederson Moraes (Man City).

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda laga sameeyey 11-ka Goolhaye ee ugu wanaagsan waqtigan qaaradda Yurub:-

Goolhaye: Oblak

Daafacyada: Lloris, Alisson, Schmeichel, Navas

Khadka dhexe: Pickford, Neuer, Ter Stegen

Weerarka: Ederson, Maignan, De Gea

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here