Kooxda Liverpool oo sare u qaadaysa doonista Timo Werner & Tababare Jurgen Klopp oo arrinta soo galaya

0
308

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sida wararku ay tilmaamayaan kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa sare u qaadaysa doonisteeda ku aaddan Timo Werner, iyadoo Tababare Jurgen Klopp uu arrinta gacmaha la soo galayo.

Macallinka Kooxda Reds ee Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu si fool ka fool ah ula hadlo Weeraryahanka RB Leipzig, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Jarmalka.

Warsidaha Sport Bild ayaa sheegaya in Jurgen Klopp uu doonayo inuu kor u qaado iskudayada ay Liverpool ku doonayso inay kula soo saxiixato weeraryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka, Timo Werner isla markaana uu doonayo inuu la kulmo 24-sano jirkaan.

Si kastaba ha noqotee, xaaladda Coronavirus ayaa ka dhigaysa wareejinta mid halis u ah, iyadoo kulan shaqsi ah aannu hadda macquul ahayn inta lagu jiro karaantiilka Covid-19.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here