Waa kuma xiddiga ka ciyaara horyaalka Premier League ee ay Real Madrid doonayso inay saxiixiisa ka dulqaaddo Man United?

0
248

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay xiiseynayso inay la saxiixato xiddig ka ciyaara horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo ay weliba saxiixiisa kaga adkaato Man United.

Sida uu warinayso Warsidaha Don Balon Laacibka khadka dhexe ee Leicester City, James Maddison ayaa diiradda u saaran Kooxda Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain.

Los Blancos ayaa ku qasban inay iska bixiso 80 milyan oo euro oo u dhiganta 70 milyan oo gini ama 88 milyan oo dollar, si ay u soo qaadato 23-sano jirkaan, kaasoo sidoo kale si aad ah loola xiriirinayay Naadiga Manchester United.

Real nổ 'bom tấn' Maddison thay thế Modric - Báo VietnamNet

Maddison ayaa loo arkaa inuu doonayo inuu ka tago Kooxda Leicester City xagaagan, inkastoo xaqiiqdu tahay in qandaraaskiisa haatan uu ku eg yahay ilaa iyo sanadka 2023-ka.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here