Juventus oo diyaarineysa qorshihii ay dib ugu soo ceshan laheyd Pogba suuqa xagaaga ee soo socda

0
374

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa qorsheeneysa in suuqa xagaaga ee marka uu dhamaado xilli ciyaaredkan ay dib ugu laabato bar-tilmaamedkeeda Paul Pogba.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee waddanka France Paul Pogba ayaa Juventus ka soo tagay sanadii 2016, isagoo dib ugu soo laabtay kooxdiisa haatan ee Red Devills.

Warsidaha Talyaaniga ka soo baxa ee “Calciomercato” ayaa shaaca waxa uu ka qaaday in Juventus ay diyaar u tahay in ay furto wadahadalaa ay ku dooneyso Paul Pogba dhamaadka xilli ciyaaredkan, oo mar kale dib loo furi doono suuqa kala iibsiga.

Paul ayaa laga cabsi qabay in uu ka tago Manchester United suuqii xalayto soo gabo gaboobmay ee bishii Janaayo inkastoo ilaa iyo iminka uusan saldhigan mustaqbalkiisa garoonka Old Trafford.

Paul ayaa dib ugu soo laabtay United sanadii 2016-kii waqtigaasoo uu noqday xiddiga dunida ugu qaalisan, balse hadda wuxuu noqon doonaa xiddiga ay Juve bar-tilmaameed ugu horeeya ka dhiganeyso suuqa xagaaga.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here