Ingiriiska oo si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub

0
333

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dalka Ingiriiska ayaa habeenimimadii xalay si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub oo uu muddo 47 sanadood ah ka tirsanaa.

Xarunta baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London, ayaa waxa fagaaraha ku yaal ka buuxay dad badan oo taageersanaa in laga baxo midowgaa, waxaanay tirinayeyeen ilbidhiqsiyada ka hadhay wakhtiga oo markii ay saacaddu 12 habeenimo gaadhay damaashaad ballaadhan dhigay.

Hase yeeshee Ingiriisku waxa uu inta sannadkan ka hadhsan ku sii dhaqmi doonaa heshiiskii Midowga Yurub, waana muddo loo qoondeeyey in lagu galo wada xaajoodyo lagu gorfaynayo sida uu noqon doono xidhiidhka mustaqbalka ee dalkaas iyo Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here