Dhegeyso:- Degmadda Xudur ee xaruunta gobalka bakool oo Mudo 30 sano kadib dib loogu furey Dugsi sare

0
412

Munaasabadan oo lagu dahfuraayey iskuulkii hore ee dugsiga sare xudur waxaa soo qaban qaabiyeen bahda waxbarashada degmada xudur ee gobalka bakool waxaana ka soo qeybgalay xildhibano ka tirsan dowlad gobaleedka koonfur galbeed, maamulka gobalka bakool, maamuliyaasha goobaha waxbarashada degmada xudur ardeydii hore ee dugsiga maama geediye oo u diyaarsan in ay dugsi sare ku biiraan waaladiinta ardada iyo martisharaf kale.

Wasaarada maaliyada ee xukuumada federaalka somaaliya ayaa 30sano kadib waxa ay dayactir iyo dhismo cusub ku sameysay xaruunta dugsiga sare ee xudur oo la dahfurey.

Ugu horeyn waxaa munaasabada dahfurka ka hadlay maamulaha cusub ee dugsiga sare Ali Maxamed Sheikh Ali iyo gudoonka waxbarashada degmada xudur aadan axmed maxmuud waxeyna xuseen in sharaftii iyo karaamadii waxbarashada gobalka bakool dib u soo laabtay bulshadana waxey ku guubaabyeen in ay waxbarashada ku dadaalaan.

Cod

Aasaasiyaashii dugsiyada waxbarasho ee ka jirey xudur iskuulada Shodog iyo dugsiga maama geediye Sheikh maxamed kheyr iyo luul maxamed nuur ayaa bogaadiyey furitaanka iskuulkan

Cod

Jawiga xaflada wuxuu ahaa mid aad u quruxbadan wejiyada dadkana ay ka muuqdeen farxad waxaana bulshadii ka soo qeyb gashay munaasabdaasi ay goobta kaga hadleen dareenkooda.

Cod

Gudoonka waxbarashada gobalka bakool abdikadir nuur cadow ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha gobalka bakool kaalinta uu ka qaatay in 30 sano kadib dugsi sare dib u shaqeeyo wuxuuna shahaada sharaf gudoonsiiyeen gudoomiye tall/

Cod

Gebegebadii munaasabda oo socotay h al sac socotay ayaa waxaa soo xirey gudmooimaha gobalka bakool maxmaed cabdi maxmed tall iyo xildhibaan sheikh xasan ibraahim lugbuur waxeyna aad u bogaadiyeen bahda waxbarashada.

Cod

Dhismaha dugsiga sare waa dhisme aad u balaaran qeyb ka mid ah waxaa loo qorsheeyey in jaamacad laga furo maadaama gobalka bakool aysan ka furneyn jaamacad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here