Dowladda Kenya iyo Jabuuti oo loolan adag ugu jira kursi ka mid ah QM

0
311

Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa xilligaan waxaa ay loolan  adag ugu jiraan helida kursi ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey,kaas oo ay tartan dugu jiraan labada dowladood.

Dowladaha Afrika oo uu horyaallo kursigaan ayaa waxaa loolan ugu jira labadaasi dowladood e Kenya iyo Jabuuti,waxaana Kenya iyo Jabuuti midba midka kale uu ka dalbaday in uu u tanaasule,hayeeshee aysan weli suurtagelin.

Jabuuti iyo Kenya ayaa codsiga ku aadan helista kursiga waxaa ay u gudbiyeen Qaramada Midoobey Ururka Midowga Afrika,waxaana cidda ku mataleysa Afrika kursigaan la filayaa in Bishan ay go’aamiyaan Midowga Afrika.

Dowladda Kenya ayaa sababaha ku kalifay loolanka adag ay u galeyso kursi ka mid ah QM ayaa la sheegay inay tahay mid ay ku dooneyso inay ku hesho dano siyaasadeed ay leedahay iyo inay ku xalaaleysato Biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale Kenya ayaa qabta hadii ay Kursigaas hesho in wax badan ay iska beddelayaan Dacwadda muranka dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya taas oo haatan hortaalla Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here