Dhagyso: Wasaarada Waxbarashada KG Oo 50 Macalamiin ah Imtixaan Ugu Furtay Magalada Baydhabo.

0
317

Ku dhawaad shan boqol maclamiin ah oo ay kamid yihiin kuwa laga keenay degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose iyo kuwa magalada baydhabo ee xarunta gobolka baay waxaa baydhabo ugu furmay imtixaan lagu oganaayo tayada iyo aqoonta macalinka.

Imtixaankaan tayada macalinka ee ka furmay magalada baydhabo ayaa waxaa uu socon donaa mudo shan maalin ah.

Sarkaalo ay ka socdeen wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowlada federaalka soomaaliya iyo wasiir kuxigeenka waxbarashada KG Mudane Jabriil Maxamed Aadan ayaa si toos ah imtixaankaani ufuray, waxayna shegeen in imtixaankaan muhiiman weyn ah uu ugu fadhiyo wasaaradaha waxbarashada iyo maclamiinta.

Wasiir  kuxigeenka waxbarashada KG Mudane Jabriil Maxamed Aadan ayaa sheegay in sodonkii sano ee lasoo dhaafay maclamiinta soomaaliyeed ay hayeen kuwo tayadooda iyo aqoontooda maclinimo iska hoosaysay waana ugu diiwangalisaneen wasaaradaha waxbarashada DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada ee kajira dalka soomaaliya.

Si taasi looga gudbo wasiirka ayaa sheegay in iyagoo kashanayaan wasaarada waxbarashada DFS in kor loo qaadi doono xirfada macalinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here