Dhageyso: Dood ku saabsan Sidii Haweenka KG Ugu Soo Muuqan Lahaayeen Barlamanka KG Oo Baydhabo Lagu Soo Xiray.

0
355

Kullan dooda wadaag ah oo ay isgu yimaadeen Xildhibadanada Baarlamanka KG Ururada Bulshada ra’idka ,ururka Haweenka ,kaasi oo inta badan looga hadlayay koontada haweenka ay ku yeelan karaan Barlamanka Labaad ee Koonfur galbeed.

Waxana  inta badan la isku dhaafsadey dood iyo su’aalo weydin la xiriirta tira intee la eg ay ku yeelan karaan Haweenka Barlamanka koonfur galbeed oo hada qorshaheeda ay socoto abaabulka soo xulista Xildhibanada.

Xildhibaan Cudbi Abdiraxmaan Abdi oo ah Guddomiyaha Guddiga Xuquuqul insaaka Baaralamanka KG ayaa soo xirtey Shirka Maanta.

Haweenkii kazoo qeyb galay kulankaan ayaa odiyaasha dhaqanka kg oo soo xuli doona xildhibaanada baarlamaanka labaad ee koonfur galeed ayay waxay ugu baqeen inay kuraasta baarlamaanka kg ay ka helaan wixii ay xaqa ay kulahayeen.

Haweenka kujirey baarlamaankii dowladii shariif xasan sheikh aadan oo kulankaan qeyb ay ka ahayeen ayaa waxay shegeen in afartii sano ee lasoo dhaafay wax weyn ay ka qabteen degaanada kg, iyagoo dowlada kg iyo dowladii madaxweynaha uu ka ahaa mudane xasan sheikh maxamuud in haweenka ay ka heleen qoondadooda oo ah 30%.

Odiyaasha dhaqanka gaar ahaan odeykasta oo soo xulaayo xildhibaanka beeshiisa katirsan hadey helayaan sedax korsi in ay labo wiil iyo hal haween ah ay ka dhigaan.

Maalmihii lasoo dhaafay magalada baydhabo waxaa lagu qabanaayay kulamo iyo dood kusaabsan sidii haweenka kg ay ugu qeyb qaadan lahayeen siyaasada iyo baarlamaanka kg, waxaana kulamadaasi qabanayeen xafiisyada baarlamaanka iyo wasaarada arimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed.

Halka Hoose Ka Dhageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here