Dhageyso:-Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobalka Bakool oo si weyn uga da,ay Roobkii Deyrta.

0
297

Tan iyo markii uu bilowdey qubashada roobkii deyrta ayaa  waxaa Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobalka Bakool laga dareemeyaa isbedel dhanka beeraha iyo jawiga oo aad moodo in uu soo celiyey quruxdii magaaladaasi waxaana meelaha qaar doogagii ka soo baxey ay noqdeen meelo dadka deegaanka ay u dal xiistagaan iyagoona ku soo bandhigeya sawiradii ay iskaga soo qaadaan baraha bulshada dadka ku wada xariiraan.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada xudur oo aan la xariirney ayaa noo sheegeen in ay ku faraxsan yihiin jawi roobaadkan iyagoona sidoo kale sheegey in qasaare badan uusan geysan.

Gobalka Bakool wuxuu ka mid yahay Gobalada Roobka ka da,ay tan iyo xiligii uu bilowdey roobabkii maalmahaan qubanaayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here