Dhageyso:-250 Qoys oo loo qeybiyey Bacyooyinka roobka laga galo.

0
295

Qoysaskan Barakacyaaasha ah oo tiradooda gaareysa 250 qoys  oo ku nool kaamamka duleedka magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka baay ayaa  waxaa la soo gaarsiiyey Bacyooyin tan iyo intii roobka uu ka da,ay magaalada baydhabo, roobkaasi oo saameyn ku yeeshey dadka xeriyaha ku nool.

Qaar ka mid dadkii la siiyey bacyaasha ayaa waxey ugu mahadceliyeen Hay,adda Harweyn oo bacyooyinkaasi ugu deeqday dadka barakacyaasha ah iyagoona ugu mahadceliyeen,kana codsadeen waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin.

Sagal Xuseen Cabdi  iyo Mohamed Abdirahin Serjito oo ah wakiilada Hay,adda Harweyn Foundation ee Gobalada Baay iyo Bakool ayaa Sharaxeen deeqda ay dadka barakacyaasha ah gaarsiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here