Dhageyso: Dowlada Hoose Ee Degmada Berdaale Oo Ku Baaqay In Laga Qeyb Qaato Dhismaha Degmadaasi.

0
342

Dowlada hoose ee degmada berdaale ee gobolka baay ayaa waxay degmada ka bilowday sidii ay dib ugu soo celin laheyd bilicdii iyo horumaradii ka jireen degmada berdaale, waxaana degmada hada kasocdaan sidii loo bur burin lahaa dhismiyaasha qadiimiga ah eek u yalaan wadooyinka iyo sidii loo dhisi lahaa wadooyinka degmada oo ay ka muuqdaan burbar aad udaran.

Dowlada hoose ayaa mudo lix bilood ah waxay shacabka ku nool degmada berdaale kala hadlsay soo celinta bilicda iyo sidii ay iska waxqabso ugu qeyb qaadan lahayeen.

Xogheyaha guud ee dowlada hoose degmada berdaale ayaa waxaa uu sheegay in shacabka degmada berdaale ay diyaar u yihiin in ay kaalin mugleh ay kaqataan dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha iyo adeegyada kale ee lagu hormarinaayo xarumaha loogu adegaayo shacabka taasina ay tahay waajib saran qof kasta oo ku nool degmada berdaale.

Xogheyaha ayaa sheegay in tani ay keenaty in la iskala qeyb qaato dhismahaani isku duubnaanta maamulka iyo shacabka degmada berdaale waana ay fahmeen wazxay tahay midnimada’ kala dambeenta iyo dowladnimada waxay tahay.

Halka Hoose Ka Dhageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here