Dhageyso: Indho Fiiqis Lacag La’aan Ah Oo Laga Fuliyay Isbitaalka Degmada Xudur.

0
341

Konton qof ( 50  Qof ) oo ka kal imadeen xaafadaha degmada xudur ee xarunta gobolka bakool iyo degaanada hoos yimadaan oo ay isku jiraan ragga iyo dumar oo da ah iyo carruur ayaa waxaa isbitaalka degmada xudur loogu sameeyay indho fiiqis oo lacag la’aan.

Indho fiiqistaan lacag la’aanta ah ayaa waxaa degmada xudur ka fulisay Hay’ada Gurmad Somali Releif, iyadoo mudo labo maalin ah loogu faa’ideeyay 50 kaan qof. Waxaana iskugu jireen indho fiiqis daawo iyo okiyaal oo intoodaba loogu sameeyay lacag la’aan.

Madaxa caafimaadka degmada xudur Mudane Xuseen Diyaad iyo agaasime kuxigeenka isbitaalka degmada xudur waxayna si wada jir ah ay u soo dhaweyeen Hay’ada Gurmad Somali Releif  oo si tabrucaad ah 50 indhaha ugu fiqeen, waxayna shegeen in intaasi ay kasii badan yihiin dadka qaba baahiyaha indha fiiqista ah.

Dhaqtarka fuliyay indha fiiqistaan Dr. Maxamed Cabdulaahi Kooshin ayaa waxaa uu bukaanada urajeeyay in aragooda dib ay uhelaan madaama ay ku jiraan dad wayaliin ah oo mudo sanado ah indhah aysan wax ku arkin.

Gudoomiyaha degmada xudur Maxamed Macalin Axmed Iyo Kusimaha gudoomiyaha gobolka bakool Maxamed Snek ayaa ugu mahadceliyeen dhaqtarka indhaha fiiqay iyo hay’adaha ka qeyb qateen ay ugu horeyso Hay’ada Gurmad Somali Releif.

Maamulada goblka iyo degmada xudur ayaa waxay shegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay arkaan dad garayaan 50 qof in maanta ay indhahooda ay wax ku arkaan taasi oo ay ku tilmameen guul iyo horumar ay gareen shacabka iyo maamulka gobolka bakool gaar ahaan degmada xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here