Dhageyso: Wasiir Aba Awow Sheekh Suufi “Dhalinyarada Waa Inay Ka soo Muuqdaan Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka KG.”

0
330

Wasiir kuxigeenka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Aba Awow Sheekh Suufi ayaa waxaa uu timaamay in dhalinyarada ku nool gobolada KG in looga baahan yahay inay kasoo dhax muqdaan siyaasada dalka soomaaliya gaar ahaan baarlamaanka Kg madaama xiligaani loo bahan yahay in ay u badnadaan dhanka iyo siyaasada dalka.

Kulan ay iskugu imadeen odiyaasha dhaqanka kg baarlamaanka iyo dhalinyarada Kg gaar ahaan kuwa magalada baydhabo ayaa waxaa looga hadlay doorka siyaasada ay ku leeyihiin dhalinyada gaar aahn sidii dhalinyaradu ay uga soo muuqan lahayeen doorashada xildhibaanada koonfur galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin mustaqbalka maanta madaama dhalinyaradu lagu tilmaamo in 75% dadka ku nool soomaaliya ay yihiin.

Wasiir kuxigeenka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Aba Awow Sheekh Suufi ayaa sheegay in nidaamka ay ku dhisan tahay dowlad goboleedka KG oo uu hogaaminaayo Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen ) in ay tahay hormarinta dhalinyarada golahiisa wasiiradana ay u badan yihiin dhalinyaro aqoon yahno ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here