Zinedine Zidane oo helay war wanaagsan ka hor kulanka Eibar ee horyaalka La Liga

0
246

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa helay war wanaagsan ka hor kulanka Eibar ee qeybta ka ah kulamada 28-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain, kaasoo ka dhici doono garoonka Santiago Bernabeu.

Tababarkii ay sameysay kooxda Real Madrid maanta oo Arbaco ah ayaa lagu dhex arkay inuu soo laabtay xiddiga khadka dhexe reer Spain ee Isco, kaasoo ka maqnaa kulankii Real Betis, kaddib dhaawac ka soo gaaray dhanka dhabarka.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain Francisco Isco ayaa la filayaa inuu si buuxda ugu diyaar garoobo ka qeyb galkiisa kulanka Eibar ee la ciyaari doono taageero la’aan, kaddib markii ay go’aansadeen maamulka horyaalka La Liga in la ciyaaro taageero la’aan sababa la xiriira cabsi laga qabo faafida cudurka Coronavirus.

Si kastaba ha noqotee tababarkii maanta ee kooxda Real Madrid ayaa waxaa ka maqnaa xiddigaha kala ah Thibaut Courtois, Marcelo, Eden Hazard, Marco Asensio, sababa la xiriira dhaawacyo kala duwan ay qabaan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here