Ciraaq oo joojisay in salaada Jimcaha lagu tukado Karbala cabsi laga qabo Korona feyras

0
256

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Ciraaq ayaa joojisay in salaadda Jimcaha lagu tukado masaajiidda ku yaalla magaalada Karbala sababo la xiriira Korona feyras, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maamulka magaaladaas.

Ciraaq ayaa horay u joojisay in salaadaha leysugu yimaado masaajidda magaalada Najaf oo ah magaalo sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan dadka ka kala yimaada Ciraaq iyo wadamo kale oo ay ku noolyihiin dadka shiicada ah si ay u barakeystan magaaladaas.

Dhowaan ayey sidoo kale Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay joojisay safarka Cumrada iyadoo laga baqayo in dalkaas u soo gudbo feyraska Korona oo ka billowday dalka Shiinaha kaddibna u sii gudbay Bariga dhexe, Yurub iyo Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here