Zidane oo shaaca ka qaaday dareenkiisa ku aadan goolkii muhiimka ahaa uu Vinicius Jr ka dhaliyay kulankii xalay ee El Clásico

0
378

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Macalinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa falanqeeyay guushii ay kooxdiisa ka gaartay Barcelona kulankii El Clásico ee ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu.

Real Madrid ayaa dib ugu soo laabatay hoggaaminta horyaalka La Liga kaddib markii ay guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Barcelona 2-0, kulankii El Clásico oo qeyb ka ahaa kulamadii 26-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay ee Zinedine Zidane waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Image result for Zidane and Vinicius Jr El Clasico

“Qeybtii hore ee ciyaarta wax yar ayay dhib badneyd, laakiin qeybta labaad si fiican ayaan u ciyaarnay, waxaana ku fiicneyn dhanka weerarka, sidoo kale si fiican ayaan u cadaadinay”.

“Had iyo jeer aa inaan sidaan oo kale uga soo horjeesanaa kooxahan heerka sarre ah, haddii aad u ogolaato inay ciyaaraan, wax badan ayay ku dhibayaan”.

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay goolkii uu xalay dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Jr wuxuuna yiri:

“Runtii, waan ku faraxsanahay, waana ku faanayaa isaga, maxaa yeelay wuxuu u qalmaa inuu ka dhaliyo gool noocan oo kale ah koox aad u muhiim ah”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here