Xildhibaan xarunta baarlamaanka Uganda geeyay dhalo ayax ka buuxo

0
362

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa kalfadhiga baarlamaanka geeyay dhalo uu ka buuxo ayax, tallabadaas ayaa buuq ka dhalisay baarlamaanka.

David Obala oo laga soo doorto deegaanka bariga ku yaal ee Ngora ayaa baarlamaanka la tegay dhalada uu ayaxa kasoo buuxiyay si uu ugu muujiyo dareenkiisa ku aadan eedeymaha loo jeediyay dowladda ee ah inay ka gaabisay dadaallada lagu xakameynayo ayaxa ku habsaday deegaanno ku yaal Uganda taas oo horseeday cabsida ah in ayaxa uu dhalin karo cunno gabaabsi.

Xildhibaan Obala ayaa lagu qasbay inuu dhalada uu ka buuxay ayaxa ku wareejiyo saraakiisha amniga baarlamaanka kaddib markii xildhibaan oo arrintaas ka carooday.

Wargeyska The Daily Monitor ee kasoo baxa dalkaas ayaa barta Twitter-ka soo geliyay muuqaalka xildhibaanka baarlamaanka la galay ayaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here