Xiddig hore kooxda Liverpool ah oo codsaday in la iibiyo Maxamed Saalax, wuxuuna tilmaamay badelkiisa

0
472

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maxamed Saalax ayaa ku soo bandhigay xilli ciyaareed adag kooxdiisa Liverpool, wuxuuna dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, wuxuuna markale xaqiijiyay qiimahiisa garoonka Anfield.

Xiddig hore kooxda Liverpool ee Don Hutchison ayaa aaminsan in Reds ay tahay inay iska iibiso Maxamed Saalax, si ay badelkiisa u soo iibsato Jadon Sancho suuqa xagaaga ee soo aadan.

Laakiin Don Hutchison ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “ESPN” wuxuu tooshka ku iftiimiyay meelaha uu daciifka ka yahay Maxamed Saalax wuxuuna yiri:

Image result for mohamed salah and Sancho

“Kama gudbin karo kubadda meelaha ciriiriga ah ee garoonka, wuxuuna door bidaa inuu kubadda heysto isla markaana uu ku dhex qaato xiddigaha kooxda ka soo horjeeda si walba uu go’aankiisu yahay, waxaana u maleynayaa in Jürgen Klopp uu sameeyay dadaal weyn si uu horumariyo”.

“Waxaa jira waxyaabo aasaasi ah oo uusan si wanaagsan u qabanin, laakiin sidaas oo ay tahay wuxuu wali u dhalinayaa goolal badan kooxda Liverpool, laakiin waxaan u maleynayaa haddii ay Reds ay dooneyso inay iska iibiso mid ka mid ah xiddigaheeda ha noqdo Maxamed Saalax, kaddibna ha soo iibsato xiddig sida Jadon Sancho ah”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here