Xiddig hore ee xulka qaranka Brazil ah oo ka warbixiyay qaabka loo joojiyo Lionel Messi

0
291

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil ah ayaa shaaca ka qaaday in Selecao ay si adag kaga hortagto Lionel Messi si ay u joojiyaan kulamada ay la ciyaarayaan xulka Argantina.

Felipe Melo ayaa u soo ciyaaray kooxo badan ee Yurub ah xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta sida Juventus, Galatasaray, Inter Milan iyo kuwa kale.

Heer caalami Felipe Melo oo haatan 36 jir ah ayaa wuxuu ka qeyb qaatay xulkiisa qaranka Brazil 22 kulan, wuxuuna kula guuleystay tartanka Copa America.

Haddaba Felipe Melo ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Clarín” ee dalka Argantina wuxuu kaga hadlay Lionel Messi wuxuuna yiri:

“Messi waa ciyaariyahan qaas ah, marka aan kaga hor imaan jiray xulka qaranka Brazil isaga, waxaa naloo sheegi jiray in mid kastoo naga mid ah aan garaacno, haddii aan sidaas sameyn laheyn waxaa adkaan laheyd inaan la socono isla markaana aan joojino”.

“Ma dooneynin inaan dhaawac u geysano, laakiin waxaan ku qasbaneyn inaan sidaas ku sameyno, si aan u yareyno hal abuurkiisa isla markaana aan si weyn kaga xanaajino, taas oo ahayd arrin xeeladaysan”.

Intaas kaddib Felipe Melo ayaa wuxuu ka hadlay isbar-bardhiga xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri:

“Cristiano Ronaldo wuxuu u dhalin karaa kooxdiisa 5 gool muhiim ah, laakiin Lionel Messi wuxuu dhalin karaa isla tirsadaas, wuxuuna sidoo kale saaxiibadiis ka caawin karaa inay goolal dhaliyaan, waana mid in badan ka dhameystiran”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here