Xaflad Shahaadoonyin lagu Gudoonsinaayey Ardey Baratey Xifdinta Quraanka kariim OO lagu qabtay Baydhabo.

0
308

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Madarasda xifdinta quraanka kariimka iyo Axaadiista dhaaha Ee magalada beydhabo ayaa waxey soo saartey ardey kala duwan oo in mudo ah madarasada wax ku baranaayeen, kuwaasi oo isuga jira rag iyo dumar.Ardeyda ayaa waxaa Madarasada oo leh dugsi hoose iyo dugsi dhaxe lagu baraa xifdinta quraanka kariimka iyo weliba daruusaha  kale ee diiniga ah.

Xaflada loo qabtey ardada qalnajibisey ayaa waxaa ka soo qeyb galey waalidiinta aradada, maamulka madarasad iy weliba marti sharaf kale.

Uga horeen qaar ka mid ah waaladiinta aradad wax ka barta madarasada dhaaha ee degmada beydhabo ayaa halkaasi ka soo jeediyeye dareenkoodi ku aadan  sida ay u arkaan waxbarashada carurtooda.

Dhanka kale maamulka madarasada dhaaha ayaa waxey ka warbixiyeen dedaalakii dheeraa oo ay ardadaani ku soo bixiyen  iyagoo  u mahadeliyeye waaladiinta oo dhanka kelana kula derdaarmey  in ay carurutooda ay gacanta ku hayaan si uu ubadkooda wax u barto.

Radio Arlaadi:-Maryan Macalin Abshir.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here