Ergada soo dooran doonta golaha deegaanka degmada Diinsoor ee Gobalka baay Oo maanta Tababar loo furay.

0
413

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay Waxaa lagu wadaa in loo sameeyo Maamul gole deegaan oo degmadaasi maamula si loo hormariyo adeegyada dadweynaha taasi oo fulineysa dowlada hoose ee degmadaasi.

Tan iyo markii la soo xulay ergadii soo xuli laheyd gudiga deegaanka ee degmadaasi diinsoor ayaa waxaa loo qabtay tawabar ku saabsan sidii u soo xuli lahaayeen dadkii u adeegi lahaa bulshada ku nool degmada, taasi oo soo qaban qaabisay Wasaarada Arimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta koonfur galbeed.

Kulankan tawabarka loogu furaayey Ergada ayaa waxaa ka soo qeyb galeen wasiirka wasaarada arimaha gudaha, maamulka degmada, qebaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyntii ayaa waxaa tawabarka markii si toos ah loo furay goobtaasi ka hadleen qaar ka mid ah odeyaasha iyo waxgaradka degmadaasi.

Dhanka kale wasiirka wasaarada qorsheynta iyo maalgashiga Koonfur galbeed Axmed Madoowe Nuunow ayaa ergada ku amaanay in  degmada ay hesho maamul ka shaqeeya danaha iyo hormarinta degmada diinsoor.

Ugu dambeyntii wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta koonfur galbeed Maxamed Abuukar Abdirahman ayaa sheegay in ergada laga rabo in ay soo xulaan gudigii deegaanka, sidoo kalena ku soo xulaan si cadaalad ah .

Si kastaba ha ahaatee degmada diinsoor ayaa la fileyaa maamlimaha soo socda in ay hesho maamul dhameystiran degmadaasi iyadoona la dooran doona gudoomiyaha degmada iyo ku xigeenadiisa.

Radio Arlaadi:- Abddirahman Yusuf Hassan Soori.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here