Wajigii labaad ee dhismaha Maxkamada degmada Xudur oo bilowday.

0
369

Baydhabo(Radio Arlaadi)-  Degmada xudur ee xaruunta gobalka bakool ayaa ku bilowdey wejigii labaad ee dhismaha maxkamada guud ee degmada,iyadoona si isxilqaan ah lagu dhisaayo.

Dhismaha maxkamadani ayaa waxaa la bilaawey dhismaha derbiga  xaruunta iyadoo loo kala harin Ka qeyb qaadashada dhismaha maxkamada xaruunta xudur sida uu gudiga wabaahinta u sheegey .

Nuur ahmed waa xubin gudiga ka tirsan waxaana maamulka iyo shacabka reer koonfur galbeed uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen dhismaha maxkamada.

dhanka kale cumar bafuf waa injineerka gacanta ku haaya dhismaha maxkamada degmada xudur waxaan uu faafaahin ka bixiyey meesha ay wax mareyaan iyo waxyaabaha u dhiman dhismaha xaruunta .

uga dambeyntii gudoomiyaha gudiga isxilqaan ee maxkamada degmada xudur cumar abdulaahi maxmuud ayaa guud ahaanba bulshada ku dhaqan degaanada bakool ugu baaqey in ay koox koox uga qeyb qaatan dhismaha xaruunta maxkamada si ay u noqoto mid dhemeystiran.

Radio Arlaadi:- Maryan Macalin Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here