Iskuul cusub oo dadka barakacyaasha loogu talagalay oo Baydhabo laga furay.

0
362

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Mid ka mid ah kaamamka ku yaala duleedka degmada baydhabo ee xaruunta gobalka baay ayaa laga hirgeliyeye iskuul looga tala galey in ay wax ka bartaan caruurta ku nool kaamamka la deriska ah iyo kaamkaasi.

Aasaaskiise iyo dhisidiisa iskuulkaani ayaa waxaa iska kaashadeen dhalinyaro ku nool  gudaha iyo dalka dibadiisa.

munasabada xarig jerida iskuulkaan waxa ka soo qeybgaley masuuliyiin ka socoto  maamulka gobalka baay iyo kan degmada baydhabo ,madaxda dhalanyarada aasaastay sidoo kalena qeyb ka ahaa dhisidiisa, wasiiro ka tirsan dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaliya oo ugu horeeyey  wasiir ku xigeenka  wasaarada waxbarashada iyo hidaha iyo tacaliinta sare ee koonfur galbeed iyo bulshada ku nool kaamka laga hirgeliyey iskuulka  iyo dad fara badan.

Ugu horeyntii waxa ka hadlay  Sheekh Muqtaar oo ka mid ah dadkii soo aas aasey  iskuulkan  iyo masuuliyiin kale.

Dhanka kale waxaa sidoo kale ka hadleen gudoomiye ku xigeenka degmada baydhabo dhanka maaliyada iyo gudoomiye ku xigeenka gobalka bay iyo dhalanyaradii gacan weyn ka geysteen dhisida  iskuulka iyo wasiiru dowlaha wasaarda maaliyada koofur galbeed dhamaantooda waxay bogaadiyeen ahmiyada waxbarashada ay u leedahay  caruurta koofur galbeed.

Ugu dambeyntii  Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaliya  jabriil maxmuud adan ayaa dhankiisa  waxa uu tilmaamey in buugaagta manhajka cusub la bari doona ardeyda fursada u heshay in ay wax ka bartaan iskuulkani.

Radio Arlaadi:- Rahma Salaad Abdullahi

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here