Waa Kuma Ciyaaryahanka Xulka Koonfur Galbeed una Ciyaara Naadiga FC.Gaadiidka Adan Macalin Siidkey ?

0
427

Adan Macalin Siidkey waa Ciyaaryahan ka tirsan xulka KGS iyo Naadiga FC.Gaadiidka oo Dhawaan magacan loo bixiyay Siidkey wuxuu ku dhashay Magaalada Baydhabo 1996

Adan Macalin Siidkey Ma uusan u soo ciyaarin koox aan ahayn Naadiga FC.Gaadiidka Mudo Sanado ah ayuu ku sugnaa wuxuu kula guuleystay Dhowr waana 13 koob 🏆

Siidkey wuxuu ka Ciyaaraaa Booska No.10 waa xiddig Xirfadleh ah si wacan kubada uga Caawinayo xiddigaha weerarka u jooga kooxdiisa, waa Xiddiga Lagu naaneeso Messiga Koonfur Galbeed.

Siidkey Xirfadiisa inta FC.Gaadiidka u ciyaaray wuxuu ku guuleystay Labo Jeer abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan Best Player.

Xiddigan wuxuu kooxdiisa mar u soo xirtay Kabtanka kooxda asigoo hal Xili Ciyaareed Hogaaminayay kooxda waana sanadkii 2016

Siidkey ayaa ka mid ah xiddigaha inta badan loogu jecelyahay kubadiisa inay daawadaan taagerayaasha Dr’ayuub stadiun Imaanaya

Halkan ayaa ku soo koobaya Taariikhda koobka Xiddiga Xulka KGS iyo kooxda FC.Gaadiidka Adan Mo’alin Siidkey.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here