Warbixin ku saabsan Muhiimada uu leeyahay Geedka Cadeyga.

0
390

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Cadeygu Waa geed u kala baxa noocya kala duwan,wuxuuna qeyb weyn ka qaataa nadiifinta guud ahaan Afka Qofka taasi oo qofka u hagaajisa hadii uu ku dadaalo Cadeyga Caafimaadka Ilkihiisa.

Inta badan deegaanada Dalka Soomaaliya Cadeygu waa geedka loogu isticmaal badan yahay dhanka nadiifinta ilkaha, dadyow badana ay isticmaalaan wallow sanadahaan dambe tira aan badneyn ay isticmaalaan Collgate oo ah daawo ilkaha lagu nadiifiyo sida geedka cadeyga oo kale.

Madey Garba dheere waa qof mudo badan iibineyay Cadeyga ilkaha, deegaanka Moolmad ayuu markiisii hore ka soo barakacay burburkii dalka, wuxuuna hada ku nool yahay Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay oo noloshiisa ku maareeya iibinta Cadeyga.Madey ayaa Radio Arlaadi ugu Warbixyey nocyada uu u kala baxo cadeyga.

Warbixintan waxaa noo heysa Rahma Salaad Abdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here