Ardayda dhigata iskuulka guud ee Degmada waajid oo wax ku barta deramo la fidiyay fasalada.

0
534

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Cabdulaahi Cali Xasan waa maamulaha iskuulka guud ee hoose iyo dhaxe ee degmada waajid ee gobolka bakool  xili uu u waramaayay warbaahinta koonfur galbeed ayaa waxaa uu sharxaad ka bixiyay baahiyaha guud ee ka jiraan iskuul kaasi, waxaana uu tilmaamay tan ilaa iyo markii dib loo furay iskuulka sanadii 2014 bishii 3 oo hada laga joogo 6 sano in iskuulka uu soo maray mar xaalada kala duwan.

Maamule Cabdulaahi Cali ayaa sheegay in iskuulka hada ay dhiganayaan ku dhawaan in ka badan 290 ardar kuwaasi oo iskugu jiraan arday dar yar ah iyo kuwo kale oo iska caadi ah, wuxuuna sheegay in man hejka dhawaan soo gaarsiisay wasaarada waxbarashada Kg uu maraayo meel fiican.

iskuulka waxaa bare ka ah ku dhawaan 12 maclimiin ku waasi oo si lacag la`aan ah ay wax ku baraan ardada dhigata iskuulka guud ee hoose iyo dhaxe ee degmada waajid ee gobolka bakool maamulaha sida uu sheegay in markii hore ardada laga qaadi jiray laga dhan 30 oo shilin so, ah lakiin markii ardayda ay awoodi wayeen ayaa maamulka iyo maclimiinta iskuulka  gu`aan sadeen in liska dhaafo lacagtaasi.

Warkan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here