Wakiilkii hore ee Lionel Messi oo ka hadlay suurtogalnimada uu kaga tagi karo Barcelona

0
389

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wakiilkii hore Lionel Messi ee Horacio Gaggioli ​​ayaa ka jawaab celiyay wararka sheegaya in xiddigga reer Argentina uu ka tagayo kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kaddib markii ay soo baxday in ay isku dhaceen agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Eric Abidal iyo weeraryahanka Argentina ee Lionel Messi, ayaa waxaa soo baxaya warar kala gadisan iyo fikrado hor leh ee la xiriiria mustaqbalkiisa garoonka Camp Nou.

Lionel Messi ayaa qandraaskisa kooxda kubadda cagta Barcelona waxa uu dhici doonaa 2021, waxaana heshiiskiisa qeyb ka ah in loo oggol yahay in uu ka tago mid kasta oo ka mid ah dhamaadka xilli ciyaared kasta.

Haddaba Horacio Gaggioli ​​ayaa wareysi uu ku bixiyay “FCInterNews.it” wuxxuu ku sheegay:

Image result for Horacio Gaggioli and Messi

“Kubadda cagta wax walba waa suurta gal, laakiin uma maleynayo inuu Messi doonayo inuu ka tago Barcelona”.

Si kastaba ha noqotee, Kaddib markii ay soo baxday in ay isku dhaceen agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Eric Abidal iyo weeraryahanka reer Argentina ee Lionel Messi, ayey warbaahinta caalamka shaki xoogan galiyeen mustaqbalkiisa garoonka Camp Nou. Waxaana si weyn lala xiriirinayaa koooxaha Man City iyo PSG.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here