Maalinta Caalamiga ah ee Raadiyaha oo maanta dunida laga xusayo

0
367

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Maanta oo ay taariikhdu tahay 13-ka February ayay dunidu u dabbaal-degeysaa maalinta caalamiga ah ee Raadiya iyada Hay’adda UNESCO ay sheegtay in Raadiyuhu weli yahay kan awoodda badan warbaahinta .

UNESCO ayaa sheegtay in awooddaas ay bulshadu ku hoggaamin karto isbedel iyo wada hadal iyadoo la adeegsanayo Raadiyaha.

2011-kii ayay ahayd markii golaha fulinta ee Hay’adda UNESCO uu isku raacay in Raadiyaha loo asteeyo maalin u gaar ah waxa ayna isla qaateen in 13-ka February sannad walba loo dabaa-dego Maalinta Raadiyaha Adduunka taasoo ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay oo 2013-kii meel mariyay xuska maalintan.

Ujeedka laga leeyahay xuska maalinta Raadiyaha ayaa ah in sare loo qaado wacyiga bulshada, in bulshada lagu baraarujiyo muhimadda warbaahinta gaar ahaan Raadiyaha iyo in la xoojiyo isku xirnaanta iyo iskaashiga caalamiga ah ee ka dhaxeeya weriyeyaasha iyo is dhaafsiga xogaha.

Warbixintan waxaa noo heya Abdirahman Yusuf Hassan Soori

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here