Waa sidee Doorka Haweenka Ay Ku Leeyihiin Siyaasada Dalka.

0
419

Dastuurka Ku meel gaarka Dalka Ayaa wuxuu Shegayaa in Dumarka ay  qoondadooda ka mid noqoshada xubnaha hay,adaha dowlada ay tahay  boqolkiiba 30- Taasi waxey ay tahay in Ay Xubin ay ka leeyihin xillibanada ,wasiirada,maamul goboaleedyadaa,Agaasimiyaasha iyo Shaqooyinka Dowlada .

Haweenka ayaa ah kuwa mar walba diyaar u ah iney raadsadaan waxyaabaha xaqa ay u leeyihiin balse waxey kulan walba ay ku shegaan in aan si rasmi ah loo siiineynin qoondada sheegaya dastuurka dalka.

Odeyaasha  Dhaqanka Koonfur galbeed  waxey ogolaaden  tiirada xildhibanada Mamulka koonfur galbeed oo ah 95 Balse ma aysan shaacinin qoondada Haweenka, walow Afayeenka Odeyaasha  Sheegey iney wadaan kulan ku adaan hanaan qeybsiga  barlamanka,  hadana waxaa si dardar leh u socda kulamo ay isku imaaneyaan dumarka  daneeya  siyaasada  iyo kuwa wax baartey, Kuwaaasi oo u jeedkooda  yahay in ay ka soo muuqdaan  siyaasada maamulka  si gaar ah xildhibaanada  labaad ee golaha wakiilada koonfur galbeed.

qaar ka mid ah bulshada baydhabo oo ay tahay halka lagu wado in ay ka dhacdo doorashada barlamanka  ayaa waxaa ay ka hadleen doorka haweenka iyo sida ugu haboon  ay ku heli lahaayeen  xaquuqdooda siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here