Dhageyso:- Warbixin ku saabsan Abdirahman oo ah qof 23 sano farsama yaqaan ahaa.

0
348

Waa Abdirahman Ibraahim  oo ah farsama yaqaan mudo soo shaqeeyey ilaa heer uu ka gaaray in loogu waco aabaha farsamada Magaalada Xudur ee xaruunta gobalka bakool.

1996dii ayuu bilaaway sameynta aalado kala duwan, waana markii ugu horeysay gacantiisa ku sameeyo Raadi halaabay oo berigaasi isku arkay in xirfadan uu ku fiican yahay.

Isma dhaheynin Magaala dhan ayaa caan ka noqoneysaa oo aad u xalineysaa waxyaabaha ka halaawa, laakiin wuxuu kala soo kulmay caqabado naftiisa halis gelisay.

Waqti ka mid ah noloshiisa wuxuu wax ka baran jiray magaalada xudur si uu u noqdo qof wax aqrin kara waxna qori kara si xirfadiisa kor uga sii qaado ilaa heer uu u fadhiisto iskuulaha lagu barto xirfadiisa si uu ula jaan qaado casriga tiknoolajiyada.

Abdirahman ayaa hada qudhiisa ku faana dad badan oo uu baray sida loo farsameeyo ama ciladaha loogu bixyo aaladaha loogu shaqeeyo idaacadaha, taasi oo markii uu arko qof isaga wax baray oo shaqeynaya ku farxeya.

Abdirahman waa qof dadaal iyo dhib badan u soo maray in uu guuleysto, wuxuuna aaminsan yahay in guulo kale ay u sii dhiman yihiin, wuxuu dhalinyarada soomaaliyeed u noqon karaa talaabo ay ku deysadaan wuxuuna  fariin ugu diray in ay ka faaideystaan waqtigooda oo xirfado bartaan si ay uga baxaan shaqa la,aanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here