Waa Maxay Dhicinta Ilmaha Uurka ku Jira?

0
371

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Macnaha ereyga dhicin ama dhiciska waa uurka oo si aan lama filaan ah udhamaada iyadoo ilmuhu lumayo ka hortodobaadka 24-aad ee uurka, badanaaQiyaastii afartii uur mid baa dhicis kudambeeya, dhicin ta intooda badani waxa ay dhacaan inta lagu jiro 12-ka todobad ee uurka ugu horeeya.

Xaaladaha qaarkood waxa dhacda inaan haweenaydu aanay marnaba ka warqabin in ay uur leedahay, waxaana laga yaabaa in ay yeelato caado raagtay, marmarka qaarkood na caado aad u daran ama aanay caado gafin ba. Dumar badan waxaa calaamadaha u horeeya ee
dhicinta u ah dhiig ama dheecaan hoos ka yimaada, kaa soo mar marka qaar
kood uu u wehliyo xanuun caloosha waa xudunta hoosteeda ee ama dhabarka ah
oo u eg xanuunka caadada.

Warbixintan waxaa noo heysa Rahma Salaad Abdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here