Waa Kuma 30 Jirka Tababare Ku Xigeenka U Ah Jose Mourinho? Sidee Ayay Isku Barteen? Immisa Luqadood Ayuuse Ku Hadlaa?

0
545

Joao Sacramento waa 30 jir, wuxuuna diirada u saarnaa Jose Mourinho tan iyo markii uu ardayga ahaa, waxaana uu haatan kula soo biiray Tottenham isagoo ka soo hoos shaqeeyay Marcelo Bielsa, Leonardo Jardim iyo Claudio Ranieri.

Cid walba oo u baahan in laga dhaadhiciyo in Jose Mourinho uu isbedelay islamarkaana uu la imaanayo fekrado cusub waxaa dhiirogelin u noqon karta qofka uu ka dhigtay caawiyihiisa ama ku xigeenkiisa, taasoo muujineysa in Mourinho uu wax ka bartay qaladaadkiisii hore.

Isagoo 30 sanno jir ah ayuu Joao Sacramento waxa uu noqday tababare ku xigeenka kooxda Tottenham, waana ninkii ugu da’da yaraa ee shaqo ceynkaan oo kale ah ka qabta Premier League, waxa uu xitaa ka da’ yar yahay qaar ka mid ah ciyaartoyda uu leylinayo.

Laakiin waa nin fekrado cusub ku soo biirinaya tababare Mourinho, waxaana uu yimid Tottenham isagoo durbaba sumcad ku leh kubada cagta.

Waxa uu dhawaan kooxda Lille kula soo shaqeeyay tababarayaasha Christophe Galtier iyo Marcelo Bielsa isagoo noqday tababaraha ku meel gaarka ah labadii jeer ee la ceyriyay tababarayaashaas. Ka hor waxa uu joogay Monaco isagoo ka hoos shaqeeyay Claudio Ranieri iyo ka dib Leonardo Jardim. Waana khibrad weyn oo uu leeyahay tababare da’ yar oo aan hore u soo ciyaarin kubada cagta.

Si la mid ah tababarihiisa cusub oo ka bilaabay waayihiisa inuu tarjubaan u noqdo Sir Bobby Robson, Sacramento waxa uu isna wado aan caadi aheyn u soo maray waayihiisa tababarenimo, waxa uu ka tagay dalkiisa Portugal isagoo shahaado takhasuska kubada cagta ka qaatay jaamacada University of Glamorgan ee dalka Wales.

Waana waqtigiisii uu ardayga ahaa markii ugu horeysay ee uu Mourinho isha ku dhuftay ninkaan. Sacramento ayaa wax ka qoray falsafada tababarenimo ee Mourinho iyo sida uu ciyaaraha u wajaho taasoo keentay in tababaraha reer Portugal uu u jawaabo ardayga una sheego inuu aragti fog u leeyahay maamulida kubada cagta.

Intii uu jaamacada ka dhiganayay dalka Wales, Sacramento waxa uu si fiican u bartay luqada Ingariiska, waxa uu sidoo kale ku hadlaa luqada dalkiisa Portugal, Isbaanish iyo Faransiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here