Ururka Dhalinyarada Degmada Xudur Oo Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha KG Ku eedeeyay In aysan Shaqo Abuur Usameynin Dhalinyarada Degmadaasi.

0
273

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dhalinyaradu waa jiilka soo koraaya ee bulsha kasta, waana indhaha iyo mustabalka mushtamac walba. Dhalinyaradu waxay muhiim u yihiin wadanka oo idil, waana sababta bulshooyinka caalamku ay doormuhiim ah uga ciyaaraan kobcinta jiilalka soo koraya iyaga oo laga dhisayo dhinac walba sida caafmaadka, waxbarashada, madadaalada iyo maaweelinta iyo kobcinta maskaxdooda iyaga oo sidoo kale loo tababaraayo qofkasta iyo waxa uu ku fiican yahay.

Dhalinyaradu waxay ka qayb qaadataa dhisida iyo hormarka dalkasta oo aduunka dushiisa saran, wadankastana wuxuu ka hormarsan yahay wadan kale  intuu ka dhalin yaro fiican yahay ama ka dhalinyaro hormarsan yahay.

Dhalinyaradu waxay rabtaa waxbarasho, shaqo,hormar iyo caafimaad iyo aragti dheer oo siyaasadeed in loosameeyo.

Gudoomiyaha dhalinyarada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool Nuur Mursal Liibaan oo wareysi sinaayay warbaahinta koonfur galbeed  ayaa wuxuu sheegay in dhalinyaradu mar weliba ay u taagan yihiin hormarinta degaankooda asigoona sheegay in ay ka qeyb qataan dhanka caafimaadka iyo waxbarashada.

Warkan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here