Tuug askar ka xaday laaluush ay qaateen

0
427

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Askarta taraafiiga Kenya ee laaluushka ka gurta gaadiidleyda ayaa hadda ka dib ku qasbanaan doona in ay lacagta ay dadka ka furtaan si fiican u ilaashadaan, maadaama oo degmada Embu nin tuug ahi askartii qudhoodkii kaga xaday lacag badan oo ay meel dhigteen oo indhahooda oo shan ah kala cararay.

Arabacadii ayaa arintan la yaabka lihi ka dhacday goob gaadiidka lagu baadho oo ku taal wadada weyn ee isku xidhay magaalo madaxda Nairibo iyo Meru.

Qof goob joog u ahaa dhacdadan ayaa sheegay in ninka lacagta askarta ka xaday ka soo baxay kaynta wadada agteeda oo intuu haf siiyey lacagtii ay meesha dhigteen orod is dhigay.

Askarta taraafiiga ah ee goobta joogay waxay ahaayeen labada; nin iyo gabadh.

Ninkii askariga ahaa ayaa isku deyey inuu eryado ninkii lacagta ka xaday laakiin wuu gaadhi waayey oo markuu kayntii ka galay ayuu iskaga hadhay.

Askartu markii tuuggu lacagta ka qaatay halkay ku qarsanayeen wadada ayay dhanka kale ka joogeen, markaa ninku wuxu ogaa in aan askarigu isaga oo aan ka joogsan baabuurta wada maraysa markiiba ku soo ordi karayn, taasina ay fursad uu ku baxsan karo siinayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here