RW Kheyre oo Sheegay In dib-u-habeyn lagu sameeyo caddaaladda Dalka ay muhiim tahay.

0
336

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in loo haabanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda dalka oo ah jiridda dowladnimadu, si loo helo nidaam dowladeed oo isu dheelli tiran.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabdda xuska sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahanyahay in dib-u-habeynta caddaaladda in lagu dadaalo.

Warkan waxaa noo heya Abdirahman Yusuf Hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here