Tababar ku saabsan awood siinta haweenka sidii ay uga qeyb gali lahaayeen siyaasada oo baydhabo lagu qabtay.

0
325

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka baay ka socda kulamada haweenka uga doodayaan doorkooda Siyaasadeyd oo isugu yimaadeen haweenka koonfur galbeed somaliya oo daneynayaan ka mid noqashada barlamaanka labaad mamuulka ay xaruntiisa Kumeel gaar tahay Baydhabo ayaa si isdaba joog ah waxey usameynayaan siminaaro lagudhiiragelineyo hablaha si ay ula soo baxaan qoondadooda ay baarlamanka ku leeyihiin

Kulamada socda ayaa inta badan haweenka kaga hadlaan sidii ay u heli lahaayeen kuraastooda, waxaana ka soo qeyb galiyaasha ay halkaasi ku soo gudbiyeen caqabadaha heysta iyo sida ay uga gudbi lahaayeen, islamarkaasina odeyaasha dhaqanka ay xaqooda uga raadsan lahaayeen.

Warkaan Waxaa noo heysa Rahma Salaad Abdullahi

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here