Taariikhda iyo Saacadda la ciyaarayo kulanka lugta labaad ee El Clasico Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo la shaaciyey

0
477

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Maamulka horyaalka La Liga ayaa xaqiijiyey Taariikhda iyo saacadda la ciyaari doono kulanka lugta labaad ee El Clasico kaasoo dhex mari doona kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ee horyaalka La Liga.

Kulanka lugta labaad ee El Clasico ayaa la baasan doonaa 9:00 Habeennimo xilliga Spain marka ay taariikhdu tahay 01 bisha Maarso sanadka 2020, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulammada 26-aad ee horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa soo dhoweyn doonta Barcelona kulanka El Clasico lugta labaad ee horyaalka La Liga, marka ay saacadda geeska Afrika tahay 11:00 Habeennimo taariikhduna ku aaddan tahay 1 bisha Maarso ee sanadkan 2020.

Kulankii lugta hore ee labadaan kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ku dhexmaray garoonka Camp Nou ee horyaalka La Liga ayaa ku soo dhammaaday barbaro 0-0.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here