Kooxda Real Madrid oo xiddig ka tirsan PSG ka dhigaysa kan ugu qaalisan kubadda cagta Adduunka.

0
327

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayso inay dalab ku kacaya 250 milyan oo gini ka gudbiso weeraryahanka Naadiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France uu qiimo badan ku yimid PSG waxa uu iminka xiiso ka helayaa kooxda riyadiisa ah ee Real Madrid, walow in ka yar labo sano iyo bar ay ka harsan tahay qandaraaskiisa haddana waxaa sii badanaya shakiga la galinayo mustaqbalkiisa.

PSG ayaa la rajaynayaa inay samayneyso isku day kasta oo ay ku sii hayn karto ciyaaryahankeeda muhiimka ah , kaasoo dhaliyay 82 gool 104 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain, Real ayaa wali sii wadaysa kormeerkeeda xaaladda ka hor inta aan la gaarin marka ay da’yarka reer France kula wareegeyso qiimo rikoor ah ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Los Blancos ayaa la fahamsan yahay inay diyaar u tahay inay ku qarash-gareyso 250 milyan oo gini  si ay u bixiso qiimo  kor u dhaafaysa lacagta ay PSG ku soo iibsatay Neymar sanadkii 2017-kii, taasoo la micno ah in Mpape uu noqon doono xiddiga ugu qalisan kubadda cagta.

Yeelkeede, Liverpool ayaa sidoo kale la la xiriirinayay 21-sano jirkaan, waxa ayna u badan tahay in weerarayahanka reer France uu door-bidi doono kooxdii uu taageeraha u ahaa waqtigii carruurnimadiisa ee Real Madrid.

Xiisaha Real Madrid ee ku aaddan Mbappe waxaa sare u qaaday markii laacibkan da’da yar iyo tababaraha PSG ay isku dhaceen, kaddib markii laacibka reer France dhowr mar bedel lagu saaray.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here