SAWIRO:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya

0
286

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, iyada oo halkaasi lagu soodhaweeyey.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, iyaga oo kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen Arrimo ku saabsan xaalada dalka,doorashada Soomaaliya kusoo fool leh doorka dowlad goboleedyada ay ku yeelan karaan iyo Arrimo la xiriira dib u eegista ku socota Dastuurka Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa markii labaad u ah imaatinkiisa waxaa uuna kulamo uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odeyaasha dhaqanka koonfur galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here